Thursday, June 26, 2025

Maxaa loogu yeeri doonaa Bill Clinton haddii ay xaaskiisa Hillary Clinton ay noqotay madaxweynaha Mareykanka?

Iyadoo ay doorashada madaxtinimada Mareykanka fooda nagu soo heyso ayaa waxaa su’aal ka timid magaca uu qaadan doono Bill Clinton haddii ay xaaskiisa Hillary Clinto ku guuleysto xilka madaxweynaha Mareykanka.

Hillary Clinton ayaa loolan adag ugu jirta xilka madaxweynaha Mareykanka oo ay kula loolameyso ninka muranka badan ka taagan yahay ee Donald Trump, laakiin sheekadan waxaa dhacdo aan weli lagu arag Mareykanka inay haweeney ka noqoto madaxweyne.

clintion2Caadiyan xaasaska madaxweynayaasha Mareykanka ayaa loogu yeeraa: ” First Lady” marwada koowaad, haddiise xaaladu is bedeshay waxaa hadda la raadinayaa magacii la siin lahaa Bill Clinton oo laftiisa madaxweyne kasoo noqday Mareykanka.

Yurub soo maray, haddana ka jira Ra’iisal wasaareyaal haween ah sida Angela Merkel oo Jarmalka hogaamisa, saygeeda oo ah professor ku taqasusay chemistry-ha Joachim Sauer, waxaa loogu yeeraa magaciisa oo qura, sidoo kale haweeneyda Ra’iisal wasaaraha ka ah Ingiriska ee Theresa may ninkeeda oo lagu magacaabo Philip John May ayaan isna lahayn magaca kale.

Su’aasha xaaladda Mareykanka haddii ay madaxweyne noqoto  haweenay weli lagama jawaabin, laakiin waxaa jira magac la siiyay ragga qaba haweenka madaxda gobollada Mareykanka oo ah (First Gentleman). waxaana mareykanka hadda ka jira lix First gentleman oo qaba haween governors ka ah gobollada Mareykanka.

Dadka qaarkood ayaa soo jeediyay magacyo ay ka mid yihiin: First Dude ama First Laddie, waxaa kaloo lasoo jeediyay magacyo kale, laakiin mar la weydiiyay Hillary Clinton waxay tiri: “” Ma hubi magaca uu qaadan doono First dude, first mate, first gentleman..”.

Arrintan ayaa xiiso ka yeelatay dalka Mareykanka, iyadoo ay bateen dadka google-ka ka raadinaya magacan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON