Tuesday, June 24, 2025

Maxaa loola jeedaa digniinta ay soo saartay Wasaaradda Amniga? (Faahfaahin)

Wasaaradda Amniga Gudaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta shaacisay digniin ku saabsan in kooxda Alshabaab ay ay damacsan tahay  weerarro ay ku qaadaan goobo magaalada Muqdisho ku yaala oo ay ka mid yihiin:

  • Goobaha cibaadada
  • Suuqyada
  • Goobaha waxbarashada
  • iyo meelaha ay dadka rayidka ah isugu yimaadaan

Afhayeenka Wasaaradda Amniga  Maxamed  Yuusuf Cismaan oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in kooxaha Alshabaab qorsheynayaan dweerarro argagixiso oo lagu dhibaateynayo shacabka rayidka ah, wuxuuna intaas ku daray inay xogtaan ay wasaaradu heshay ay iyadoo farriin ah dadka la wadaagayaan.

Maxamed-Yuusuf

Wuxuu afhayeenka shacabka ka codsaday inay wixii khatar ah ee ay arjaab la wadaagaan hay’adaha ammaanka. Digniintan ka timid wasaaradda Amniga ayaa cabsi ku beertay dadka Muqdisho iyadoo la is weydiinayo sida dadka shacabka ahi isaga ilaalin karaan khatartaas ay wasaaradu sheegtay iyo digniinta ay soo saartay.

Goobaha ay dadka ku badan yihiin ee magaalada Muqdisho ayaysan suuragal ahayn in la xiro ama ciidamo ilaaliya oo ku filan loo helo, sidoo kale waxaan loo fadhin in digniin sidaas u baaxad weyn ay wasaaradii Amniga lagu aaminay soo saarto, kuna khalkhal geliso shacabka Muqdisho. Waxa kaliya ee lagu macneyn karo digniinta noocan oo kale ah waa inay wasaaradu kaga baxsato dhaleeceyn iyo ka hortag xumo, si ay haddiiba ay dhibaato dhacdo ugu doodo inay hore uga digtay oo xaalkeedu yahay mas’uuliyad ka carar, iyadoo weeraradu ayba joogto iska ahaayeen muddooyinkii danbe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON