Sunday, June 29, 2025

Maxaa xilka looga qaaday Jen. Qaafow…? (Jawaabtii uu ka bixiyay Jeneraalka)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xil ka qaadis ku sameeyay mid ka mida taliyeyaasha qeybaha ciidamada xoogga oo muddooyinkii danbe muran badan ka taagnaa, waxaana lagu bedelay taliye kale oo ka hoos shaqeynayay, sida ay shaacisay madaxtooyada Villa Somalia.

jen-qafow-saney

Wareegtadamadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilka looga qaaday Generaal  Maxamed Maxamuud Xasan (Qaafow), taliyihii Qeybta 12-ka April ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya oo qaabilsan Gobollada Banaadir, Shabeelaha hoose iyo Shabeelaha Dhexe. Waxaana xilkaas loo magacaabay General Maxamed Maxamuud Saney oo badeli doona Generaal Qaafow. Lama caddeyn sababta xilka qaadsita Jeneraalkan, laakiin warar xogogaal ah aya ku waramaya in muddo sanad ka badan la sugayay in xilka laga qaado kadib markii ay ku soo baxeen wax is daba marin.

[ad name=”HTML-2″]

Jen. Qaafow oo wareysi kooban siiyay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay loo sheegay xil ka qaadista  diyaarna u yahay inuu xilka wareejiyo, wuxuuna intaas ku daray inuu caqabado badan kala kulmay intii uu xilka hayay, wuxuuna kula dardaarmay taliyaha cusub inuu dhameystiro dagaalka lagula jiro Alshabaab oo intii uu taliyaha ahaa uu sheegay in guulo badan laga gaaray, lagana xoreeyay degaano badan.

Isbedello balaaran oo la filayay inay saameeyaan taliska sare ee ciidamada aya dib u dhac ku yimid, iyadoo taliska sare ee ciidamada xoogga ay ku guuldareysteen qorshihii dib u dhiska ciidamada iyo fadeexooyin soo baxay oo ku saabsan dhaqaalaha ciidamada ku baxa, laakiin waxaa muuqata in madaxweynaha xilligan diyaar u ahayn isbedel weyn oo lagu sameeyo taliska sare ee ciidamada dalka.

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON