Ururka Khilaafada islaamiga ee DAACISH ayaa sheegtay inuu mas’uul ka ahaa weerarkii xalay lagu qaaday Baar ku yaala magaalada Orlando, Gobolka Florida ee dalka Mareykanka oo lagu dilay 50 ruux, 53 kalena lagu dhaawacay.

Wakaalada wararka ACMAAQ ee raacsan Daacish ayaa sheegtay in weerarka oo ah kii ugu weynee ee dhulka Mareykanka ka dhaca uu fuliyay dagaalyahan ka tirsan Daacish.
Duqa Magaalada Orlando Buddy Dyer ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, waxaana uu sheegay in baaritaanada hordhaca ah ay muujinayaan in ururka Daacish uu ku lug leeyahay weerarka.
Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa khudbad uu dadka Mareykanka u jeediyay caawa ku canbaareeyay wixii ka dhacay Orlando isagoo ku tilmaamay inuu ahaa fal argagixiso oo naceyb ku dheehan yahay.
Ninka fuliyay weerarka uu yahay nin lagu magacaabo Cumar Sadiiq Matiin oo kasoo jeeda dalka Afghanistan, qoyskiisuna deganaa New York. Cumar Sadiiq Matteen ayaa ka hor intii aanu falkan fulin wuxuu telefoonka ka wacay Booliska (911) isagoo u sheegay inuu daacad u yahay kana tirsan yahay Daacsih, wuxuu kaloo xusay magacyada kuwii ka dambeeyay qaraxyadii Boston.
Cumar Sadiiq Matiin iyo xiriir uu la lahaa kooxda Daacish oo maamusha dhul weyn oo ka mida dalalka Ciraaq iyo Suuriya ayaa dhaliyay su’aalo la iska weydiinayo sababta FBI-da u ogaan weyday xaaladdan, laakiin saraakiil u hadashay hay’adda dembi baarista Mareykanka ayaa sheegay in Cumar ay su’aalo weydiiyeen dhowr jeer balse aanay helin caddeymo dhameystiran.
2013 ayay ahayd markii ugu horeysay ee FBI-du xaaladiisa dabagal ku bilowday, markaas oo lala xiriiriyay wiilashii reer Jejniya ee qarxiyay magaalada Boston, waa nin ku dhashay magaalada New York, laakiin asalkiisu kasoo jeeda Afghanisan.
Cumar Sadiiq Matiin aabihii ayaa la sheegay inuu taageere weyn u yahay kooxda Daalibaan ee dalka Afghanistan ka dhisan, isla markaana uu mar doonayay inuu madaxweyne ka noqdo Afghanistan, isagoo mar isa soo sawiray xili uu iska dhigay madaxweynaha Afghanistan.


Goobjooge.com