Thursday, June 26, 2025

Maxaad ka taqaan Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Taabit Cabdi ..? [Taariikhdiisa Shaqo]

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir ayaa waxaa maanta loo magacaabay Taabit Cabdi Maxamed.

Mas’uulkaasi waxa uu magacaabistan ka hor hayey xilka Ku-xigeenka Safiirka Somalia u jooga Caasimadda dalka Maraykanka ee Washington DC.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu La-taliye Madax-bannaan oo Siyaasadeed (An independent Political Advisor)  ahaan kula soo shaqeeyey Hay’addo Dowladeed iyo kuwo aan Dowli ahayn (NGO) ka hawlgala Bariga Afrika.

Waa Khabiir aqoon u leh Siyaasadaha Gobalka (Regional Politics), Siyaasadda Guud (Public Policy), Xiriiradda Dibedda (Foreign Relations), Diplomaasiydda iyo Hoggaaminta (Diplomacy and Leadership).

Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.
Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed.

Laga soo bilaabo sannadkii 2013-kii ilaa 2014-kii, waxa uu ahaa Sii-hayaha Agaasimha Madaxtooyadda iyo Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha iyo Maareynta Hawlgalladda ee Xafiiska Madaxweynaha Somalia.

Muddadii uu Xilkaasi hayey waxaa aad loogu ammaanay sida Hawlkaarnimadda ee uu wax badan uga beddelay Nidaamka ee Villa Somalia iyo sida uu u kala agaasimi jirey Hawlaha culus ee Madaxtooyadda Villa Somalia.

Taabit Cabdi Maxamed waxa kale oo uu ka soo shaqeeyey Hay’adda QM ugu qaabilsan Horumarinta Barnaamijyadda ee UNDP ee dhinacyadda Barnaamijyadda iyo Hawlgalladda.

Taabit Cabdi Maxamed waxa uu haystaa Shahaadada Jamaacadeed ee Maamulka Ganacsiga ee Business Administration (BA), iyo Shahaadada Hoggaaminta iyo Maareynta ee MA in  Leadership and Mnagement (MA).

Taabit Cabdi Maxamed waxaa maanta oo ay taariikhdu thay (April 6th 2017) loo magacabay Guddoomiyaha Cusub ee Gobalka Banaadir.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON