Monday, June 23, 2025

Maxaad ka taqaan Jeneraalka Qarsoon ee ka dambeeya Xasuuqa & Isir-sifeynta Muslimiinta Rohingya..?

Waxaa meel kasta is qabaday qeylo dhaanta ka taagan xasuuqa iyo isir sifeynta lagu hayo muslimiinta tirada yar ee Rohingya, kuna nool dalka Myanmar (Ex. Purma).

Xasuuqa muslimiina Rohingya ay ku hayaan Buudiyiinta reer Myanmar ma aha mid cusub oo wuxuu soo taxnaa muddo dheer, laakiin waxaa hadda socda dembi dagaal kii ugu weynee dunida oo bulsho dhan lagu isir sifeynayo, waxaana ilaa Bishii Ogost 25-keeda oo ololaha ciidamada dalkaasi ay bilaabeen ku barakacay 400,000 oo dadka muslimiinta ah, waxaana loo maleynayaa in 5000 kale loo dilay qaab waxashnimo leh sida gowrac iyo nolosha oo lagu gubay. Waxaa kaloo dhulka lala simay tuullooyin iyo degmooyin ay dadkaasi lahaayeen.

Dhacdooyinka naxdinta leh ee ka socda dalka Myanmar waxay soo jiiteen cambaareyn, iyadoo aysan la yaab lahayn in Madaxa xuquuqda insaanka Q/Midoobay Zeid Ra’ad Al-hussein uu ku tilmaamo inay isir sifeyn ka socoto dalkaasi.

Ad
Gen. Min Aung Hlaing
Gen. Min Aung Hlaing – Maxaad ka taqaan Jeneraalka Qarsoon ee ka dambeeya xasuuqa & Isir-sifeynta Muslimiinta Rohingya..?

Dunida oo dhan waxay eedeyn iyo culeys saartay haweeneyda dalkaasi hoggaamiyaha ka ah ee Aung San Suu Kyi, oo hore ugu guuleystay biladda nabadda kadib markii ay muddo dheer u xirneyd taliska milateriga dalkaasi, laakiin mas’uulka sida dhabta ah uga danbeeya dembiyada muslimiinta Rohingya iyo waxa ka dhacay dalka Myanmar waa taliyaha ciidamada oo ah ninka sida rasmig ah u maamulka dalkaasi Jen. Min Aung Hlaing.

Gen. Min Aung Hlaing, waa taliyaha ugu sareeya ciidamada Myanmar, waana ninka bixiyay amarka howlgalka lagu leynayo muslimiinta Rohingya, halka dunida ay culeyska ka saareyso qof aanay awoodda gacanta ugu jirin haweeneyda Aung San Suu Kyi.

Gen. Min Aung Hlaing wuxuu ku faraxsan yahay inaan wax war ah laga heynin  howsha uu wado ee ah inuu dalkaasi ka sifeeyo muslimiinta ku nool, mana jirto meel lagu soo hadal qaado warkiisa, dalalka dunida, saxaafadda iyo qoraalada laga sameynayo dalka Myanmar, laga yaabee inaanba dalkaasi lagu gaarin dad muslimiin ah xilliyada soo socda, iyadoo kala bar muslimiinta Rohingya hadda uu ka barakiciyay ayna galeen dalka Bangladesh.

- Advertisement -

Marka la eego dastuurka qabyada  ah ee milateriga Myanmar ay qoreen haweeneyda Anug San Suu Kyi wax awood uma laha mana hoos yimaadaan ciidamada dalkaasi, dowladda rayidka ah ee ay hoggaamiso way ka madax bannaan yihiin ciidamada Buudiyiinta ee Myanmar. Milateriga ayaa maamulka Booliska, ciidamada gaarka ah, sirdoonka, xabsiyada, xuduudaha, waxayna magacaabaan rubuc 25% xildhibaannada Baarlamaanka.

Gen. Min Aung Hlaing wuxuu leeyahay awood qayaxan oo VETO ah, wuxuuna hoggaaminayaa dowladda labaad ee dalkaasi gacanta ku heysa ee heysata hubka iyo awoodda ciidan oo dhan, sidaasoo ay tahay ayuu isaga gooshaa oo lagu soo dhoweeyaa dalalka Yurub, isagoo taageero milateri iyo mid dhaqaale ay dhowaan siiyeen dalalka Germany, Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Min Aung Hlaing maa aha oo kaliya inuu hadda bilaabay isir sifeynta muslimiinta Rohingya, laakiin wuxuu hore ugu eedeysnaa dembiyo dagaal oo bani’aadmnimada ka baxsan, wuxuu hoggaamiya ciidamo ku kacay mid ka mida falalka ugu xun ee bani’aadam laga galo dunida, xitaa markii dib u habeynta iyo isbedelka dalkaas ka bilowdeen wuxuu sii watay dagaalka iyo barakicinta uu ka geysanayo gobollada Kachin and Shan oo ciidamadiisa ay dad badan oo rayid ah ku laayeen.

- Advertisement -

Warbixinta Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON