Mudane/ Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu soo noqday– Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka ee xukuumadihii Ra’iisal wasaarayasha Saacid iyo C/weli, wuxuuna xilka isaga casilay culeys uga yimid xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo waxqabad la’aan ku eedeeyay wasaaradda Amniga oo uu wasiir ka ahaa.

Kadib waxaa loo magacabaay La-taliyaha arrimaha siyaasadda ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu ilaa iminka ahaa, kadibna waxaa olole weyn loo galay inuu qabto xilka uu maanta ku guuleystay ee madaxweynaha maamulka Galmudug.
C/kariin Guuleed waa Xirfadle hawlo badan ka soo qabtay Maamulka iyo Maareynta, waxaana ka mida:
- Agaasime-Daleed u soo noqday Hay’adda Muslimka Afrika
- Qayb libaax ka qaatay aas-aaska barnaamijyo aqooneed iyo kuwo hawleed oo ay leedahay Jaamacadda SIMAD
- Guddoomiye Naadiga FPEN oo ah xiriir ay leeyihiin Ururrada ku hawlan Meheradaha Waxbarashada ee Gaarka loo Leeyahay
- Wuxuu ku hadlaa Afafka: Carabiga iyo Ingiriisiga
Waxaa lagu tilmaamaa inuu saaxiib dhow la yahay madaxweyne Xasan Sheekh oo xisbi qura iyo koox ay ka wada tirsan yihiin, shaqsiyad ahaan waa nin af gaaban oo aqoon yahan ah siyaasaddana ku soo biiray waqti danbe isagoo ahaa aqoonyahan waqti badan ku bixiyay arrimaha waxbarashada dalka.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]