Thursday, June 26, 2025

Maxaad ka taqaan Madaxweynaha cusub ee loo doortay dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa..? [Akhriso]

Barlamaanka dalka Koonfur afrika oo kullan ku yeeshay magaalada Cape Town ayaa Cyril Ramaphosa u doortay inuu noqdo madaxweynaha dalkaasi.

Madaxa cadaaladda ee dalkaasi Mogoeng Mogoeng ayaa ku dhawaaqay in Ramaphosa loo doortay madaxweynaha dalka, iyadoo aysan jirin cid kula loollantay kursiga. Ramaphosa oo madaxweyne ku xigeen ah ayaa sida uu sharcigu qaba noqonaya madaxweyne ku xigeen marka uu madaxweynuhu xilka baneeyo.

Wuxuu xilkan sii hayn doonaa ilaa iyo inta baarlamaanka dalkaasi uu madaxweyhne cusub ka dooranayo. Mr Ramaphosa ayaa bedelay madaxweynihii hore ee dalkaasi Jacob Zuma oo xalay khudbad uu ka jeediyay telefishenada ka sheegay inuu is casilay.

Cyril Ramaphosa ayaa lagu wadaa in maanta loo dhaariyo xilkaasi, isagoo na khudbad u jeedin doono shacabka Koonfur Afrika maalinta jimcaha.

Cyril Ramaphosa waa siyaasi ganacsade ah, tan iyo bishii disembar na soo hogaaminayay xisbiga ANC.

Waxaa uu xafiiska la wareegayaa iyadoo xisbiga ANC iyo shacabka dalkaasi ay kala qeybsanyihiin, sidookale na dhaqaalaha wadankaasi uu sii liicayo.

Taariikh nololeedka Cyril Ramaphosa

 Waxaa xabsiga loo taxaabay sannadkii 1974 ilaa iyo 1976, wuxuu kamid ahaa halgankii lagu diidanaa midab takoorka.

 Wuxuu sannadkii 1990 kamid ah guddi ka shaqeeyay soo deynta Nelson Mandela.

 Wuxuu inta badan ahaa ganacsade, waxaana mar uu kamid ahaa dadka ugu hantida badan koonfur Afrika.

 Wuxuu isku dayay inuu bedelo Mandela sannadkii 1999, balse waxaa ka adkaadayThabo Mbeki.

 Sannadkii 2012-ka wuxuu kamid noqday guddi loo saaray xasuuqii Marikana.

 Sannadkii 2014-ka waxaa uu noqday madaxweyne ku xigeenka Koonfur Afrika.

 Bishii Disembar ee sannadkii 2017-ka waxaa loo doortay hogaamiyaha xisbiga ANC.

 15-kii bishii Febraayo waxaa uu sidookale noqday sii hayaha xilka madaxweynaha ee dalka Koonfur Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON