Monday, June 23, 2025

Maxaad ka taqaan Susi Pudjiastuti: Wasiirad ku caan baxday Qarxinta Doomaha..?

Magaceedu waa Susi Pudjiastuti, waa wasiirka kalluumaysiga dalka Indonesia, waxayna tahay wax kasta oo ka duwan wixii dumarka lagu yaqiinay.

Waa ganacsato, heerkeeda waxbarashadana dugsiga sare ayay dhexda iugu tagtay, balse markii la weeydiiyay madaxweynaha dalkaasi Joko Widodo sababta uu xilka wasiirnimo ugu magacaabay Susi ayuu ku wajaabay “Waxaan u baahnahay qof waalan si aan xal u gaarno”.

Kalluumaysiga sharci darada ah ayaa faro kulul ku haya xeebaha dalka Indonesia, halkaas oo loo baahanyahay in gacan bir ah lagu qabto dadka sida sharci darada u shaqaysta.

Intii ay xilka qabatay, boqolaal doomood ayaa la qarxiyay, kuwa kalana waa la quusiyay. Dhaqankeeda iyo sida ay u hadasho ayaa noqday qaab dadka badankood yaab galiyay.

Image result for Susi Pudjiastuti

Dadka qaarkood ayaa ku tilmaama sidii gabarey-maanyo iyo qof leh awooddo dheeraad ah.

“Iskuma dayo in aan isu ekeeysiiyo qaabka siyaasadeed ee wax loo sameeyo, sababtoo ah ma guuleysan doono haddii aan qof kale iska dhigo” ayay tiri markii wax laga weeydiiyay dhaqameeda aadka loo hadal hayo.

Susi oo qaxwo iyo sigaar ku dul cabaysa doon yar oo sabanaysa
Susi oo qaxwo iyo sigaar ku dul cabaysa doon yar oo sabanaysa

Waxaa soo shaac baxay muuqaal iyada oo qoob-ka-ciyaar ku dul dheeleysa markab dagaal, iyo waliba sawir iyada oo koob qaxwo ah ku dul cabaysa doon, kuwaas oo si baahsan loosii faafiyay.

Markasta oo ay soo baxaan warar ka hadlaya isku shaandheyn golaha wasiirada, waxaa wararkaas lagu daraa in madaxweynaha uu la kulmayo cadaadis ah in uu iyada ku eryo isku shaandheynta.

Dadka dhaleecaya iyada ayaa sheegay in siyaasadaheeda ay yihiin kuwa aanan laga fiirsanin.

Susi Pudjiastuti

Inkasta oo wasaaradda ay joogto ee kalluumaysiga ay tahay wasaarad aanan inta badan laga muuqanin, ayaa haddane iyada waxaa isha ku wada haya dadka oo dhan iyo saxaafadda, talaabo kasta oo ay qaaddana waa mid soo duwata dareenka.

“Markii uu faafay sawirkayga aniga oo qasriga madaxtooyada xabbad sigaar ah ku dhex dhuuqaya, waxyar uun ka dib markii xilka la ii magacaabay, ayaan waxaa isoo gaaray kumanaan aragtiyo oo dhammaan wax la iiga sheegayo” ayay tiri Susi.

Waxyaabaha iyada ku saabsan ee la hadal hayo intaas kuma koobna, ee sidoo kale waxaa xitaa laga hadlaa culeeskeeda iyo cayilnaanteeda.

Badalkii ay iyada ka hadli lahaayeen, Susi waxa ay rabtaa in ay dadka diirada saaraan sida ay ula dagaalamayso kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebada Indonesia. Waxa ay hirgalisay qorshe ah in la burburiyo doon kasta ama markab kasta oo lagu helo in uu si sharci darro ah u kalluumeysanayo.

Ciidammada illaalada badda ayaa amarkeeda ku burburiyay doomo badan oo si sharci darro ah u kalluumeysta
Ciidammada illaalada badda ayaa amarkeeda ku burburiyay doomo badan oo si sharci darro ah u kalluumeysta

Intii ay xilka haysay waxa la burburiyay ama la quusiyay boqolaal doomood oo kalluumaysi ah, oo ay ka midyihiin kuwa laga leeyahay dalka Shiinaha oo sheegta in xeebaha ku xeeran jasiiradda Natuna ee Indonosia ay yihiin dhul ay iyagu leeyihiin asal ahaan.

Taas waxa ay labada dal ka dhex dhalisay qalalaase dublamaasiyadeed, waxaana iyada lagu eedeeyay in talaabooyinkeeda ay yihiin kuwa halis ah.

Susi ayaa waxa ay sheegtay in siyaasadeed ay shaqaynayso, islamarkaasina kalluunka uu kusoo kordhayo suuqyada oo uu markii hore ku yaraa.

One of seven fishing boats is blown up by the Indonesian government in Batam, Kepulauan Riau province on February 22, 2016. Indonesia sank 27 impounded foreign boats on February 22, a minister said, as the world's largest archipelago nation stepped up a campaign against illegal fishing in its waters.

Haweenaydan waxa ay sheegtay in ay dumarka aad ugu adagtahay in ay jaranjarta hoggaanka kor u fuulaan, balse iyada koriimadeeda ay qeyb ka qaaday dhaqankeeda.

“Waalidkayga iilama dhaqmi jirin si ka duwan wiilasha, mana jirin wax la dhahayo waxana waa wixii ragga ama waa kuwii dumarka” ayay intaas raacisay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON