Tuesday, June 24, 2025

Maxaad ka taqaan Taliyaha cusub ee dowladda Uganda usoo magacawday ciidamadeeda jooga Somalia ee AMISOM?

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa taliye cusub u magacaabay ciidamada ka jooga Soomaaliya ee ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Richard Otto ayaa xilka kala wareegay taliyihii hore Michael Kabango oo muddo sanad ah madax u ahaa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, waxaana Uganda ka joogo Soomaaliya ciidamada ugu badan oo ka howlgala Muqdisho, Sh/hoose iyo degaannada la xiriira oo gaaraya 6000 askari.

Gen. Richard Otto wuxuu hore u soo noqday taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidamada Uganda (UPDF) oo loo magacaabay sanadkii 2017, wuxuu markaas ka hor kasoo shaqeeyay dalka Bartama Afrika oo uu ka ahaa taliyaha ciidamada Uganda ka joogay dalkaasi ee ka mida ciidamada Midowga Africa ee AU-RTF.

Taliyaha guud ee Ciidamada Dhulka dalka Uganda Peter Elwelu, oo ka hadlayey Taliyaha cusub ayaa sheegay in Jen. Otto uu yahay yahay nin khibrad dheer u leh arrimaha milateriga, kana soo shaqeeyay xalaado la mida tan Somalia ee dagaalka lagula jiro argagixisada, isagoo u rajeeyay inuu horumar ka sameyn doono AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON