Thursday, June 26, 2025

Maxaad ka taqaan Yahya Jammeh: Madaxweyne iyo Wadaad Suufi ah oo yaab badan [Sawirro]

Muranka awoodeed ee salka ku haya kursiga madaxweynaha dalka Gambia ayaa cirka isku shareeray kadib markii madaxweyne Yahye Jammeh (Yaxye Jaamac) uu diiday inuu aqoonsado Doorashsadii dalkaasi ka dhacday ee uu ku guuleystay hogaamiyaha Mucaaradka Adama Barrow.

Yahya Jaamac oo Galbeedka Afrika ku yaala ee Gambia xukumayay muddo 22 sano isagoo talada ku qabsaday afgembi aan dhiig ku daadan ayaa markii hore si la yaab leh u ogolaaday natiijadii doorashada isagoo kadib ka laabtay oo diiday inuu xilka wareejiyo.

jammehYahya ayaa awooda Gambia afgambi kula wareegay sanadkii 1994-tii. Wuxuuna dakaasi ahaa mid awoodda lagu qabsado afgembiyo iska danbeeyay illaa xoriyadii 1965-tii.

Yaxye Jamme ayaa ahaa wadaad Muslim suufi ah oo kitaab gaablow, isagoo sheegta arrimo fara badan oo khuraafaad ah sida inuu daweyn karo AIDS_ka iyo dhalmo la’aanta. Wuxuuna wareysi lala yeeshay ku sheegay inuu Bilyan sano talada dalkiisa heyn doono, wuxuu mar kasta sitaa Ul iyo Kitaab.

Image result for yahya jammeh and his wife

Image result for yahya jammeh and his wife

Yahye Jaamac wuxuu hadda wajahayaa xaalad adag oo ah in ciidamo ka socda dalalka Galbeedka Afrika siiba Senigal iyo Nayjeriya ay ku hanjabeen inay dalkaasi  faragelin ku sameyn doonaan haddii uu xilka wareejin waayo.

Wadaadkani wuxuu ka cabsi qabaa in daalac loo raacdo oo maxkamad la soo taago marka uu xilka ka dego, waxaana ergeygii ugu dabeeyay uu ahaa madaxweynaha Mouritania oo isku dayay inuu ku qanciyo si nabad ah inuu xilka u wareejiyo.

Gambiya waa dal yar oo ku yaala Galbeedka Afrika, dadkiisu waa ka yar yihiin 2 Milyan oo ruux, wuxuuna xuduud la leeyahay Gini Bisaw iyo Senegal, wuxuuna qeyb yar ka heystaa xeebta Atlantikada.

Waa kuma Madaxweynaha cusub Adama Barrow?

barrow

Madaxweynaha la doortay waxaa lagu magacaabaa Adama Baroow, wuxuu ku dhashay tuulo u dhaw magaalada Basse 1965, kadibna London ayuu u wareegay sanadkii 2000 uu wax ka barnayay isla markaa uu ahaa nin ku shaqeysta waardiye, isagoo ilaalin jiray Bakhaarada shirkadda Argos department.

Wuxuu Gambia ku laabtay 2006, wuxuuna dhisay shirkad ganacsi. Wuxuu ku guuleystay in loo magacaabo musharraxa madaxweynaha 7 xisbi oo isbaheysi sameystay.

Wuxuu taageero ka heystaa dalalka Galbeedka Afrika oo doonaya inay caleemo saaraan si awood ahna xukunka dalka Gambia ugu dhiibaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON