Thursday, June 26, 2025

Maxamed Cabdi Kaliil & Jen. Cali Madoobe oo si lama filaan ah u tegay Degmada Ceelwaaq

Wararka laga helayo Degmada Ceelwaaq ee Gobbolka Gedo ayaa soo sheegaya in xubno ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil  ee Gudoomiyihii xilka ka qaaday Axmed Madoobe laga xayuubiyay  iyo Gen. Cali Madoobe ay maanta gaareen degmada Ceelwaaq.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil

Mas’uuliyiintan oo hore Ciidamada Itoobiya ugu diideen inay tagaan gobolka Gedo ayaa ka anbabaxay magaalada Muqdisho oo diyaarad gaar ahi ka qaaday, waxayna wararku sheegayaan in Maxamed Cabdi Kaliil iyo  Gen. Cali Madoobe ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan waxgaradka iyo maamulka degmada Ceelwaaq.

Faahfaahin badan lagama hayo socdaalka labada mas’uul oo si weyn uga horjeeda Maamulka Axmed Madoobe iyo qorshaha C/llaahi Fartaag ka wado Gobolka Gedo.

Dhowaan ayay ahayd markii Gudoomiye Kaliil iyo xubno kale ay Muqdisho gaareen iyadoo sheegay in laga soo masaafuriyay Doolow Itoobiya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON