Thursday, June 26, 2025

Maxamed C. Kaliil oo ku hanjabay inuu tegayo Magaalada Baardheere (DHAGEYSO)

Guddoomiyaha Maamulka Gedo ee dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo dhowaan tegay degmada Ceelwaaq ayaa ku hanjabay inuu tegi doono magaalada Baardheere isla markaana uu isagu yahay guddoomiyaha sharciga ah ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil
Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil

Wuxuu Mudane Kaliil meesha ka saaray in maamulka ay magacaabeen maamulka Axmed Madoobe uu hadda ka shaqeeyo Gobolka Gedo. Mr. Kaliil ayaa ku dooday in  maamulka isaga hoos yimaada uu ka shaqeeyo Gobolka Gedo iyo dhammaan deegaanada iyo tuulooyinka hoostaga.

Guddoomiye Maxamed Cabi Kaliil ayaa sheegay in maamulkiisa oo ay  aqoonsan tahay dowladda Federaalka sidaasina ku yahay maamulka sharciga ah ee Gobolka Gedo. Ciidamada Itoobiya ayuu ku eedeeyay inay faragelin ku hayaan maamulka gobolka Gedo isla markaana wuxuu ciidamada Kenya sheegay inaysan wax halis ah ku heynin isaga iyo maamulkiisa.

Dhageyso codka Maxamed Cabdi Kaliil

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON