Guddoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo maanta Muqdisho soo gaaray ayaa si hordhac ah uga hadlay wixii ku dhacay markii Itoobiyaanka ay geeyeen IGAD una qabteen shir ay ku sheegeen dib u heshiisiin, wuxuuna caddeeyay in muddo 8 maalmood ah ay u xirnaayeen Itoobiya iyadoo meesha ay joogeen ay ahayd Doolow, Itoobiya.

“Haddii cid xil iga qaaday waa Itoobiya” ayuu yiri Maxamed Cabdi Kaliil oo sheegay inay joogeen dalka Itoobiya, wuxuuna intaas ku daray inay Muqdisho u tageen si ay kulamo ula yeeshaan dowladda Federaalka oo haddii dalka ay dowlad ka jirto arrintaasi wadatashi ugu socdaan.
DHAGEYSO CODKA GUDDOOMIYE MAXAMED CABDI KALIIL
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]