Tuesday, June 24, 2025

Maxamud Sayid Aadan & Aw-Libaax oo tegay Kismaayo, kuna dhawaaqay isbedel lama filaan ah

Wafdi ay ka mid yihin Maxamuud Sayid Aadan iyo Maxamed Cusmaan Aw-Libaax ayaa maanta si lama filaan ah u tegay magaalada Kismaayo, Socdaalkan lama filaanka ah ayaa ka danbeeyay waanwaan muddo dheer u socotay maamulka Jubba ee Axmed Madoobe iyo siyaasiyiinta ku kacsan ee Gedo ka soo jeeda oo uu hormuud ka ahaayeen xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowladda federaalka.

????????????????????????????????????
Maxamud Sayid Aadan iyo C/llahi Fartaag

Xubnahan waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo ku soo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka xilka sii haya Jubba Gen. C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo xubno kale oo ka tirsanaa maamulka Puntland ee ka soo jeeda gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo saxaafadda la hadlay  ayaa sheegay inay Kismaayo u imaadeen inay garab istaagaan dowladda Jubbaland, wuxuuna  si cad u sheegay inay taageersan yihiin madaxweynaha Jubbalanad Axmed Madoobe iyo xil ka qaadistii uu ku sameeyay gobbolka Gedo.

Lma oga waxa sidan oo dhan u bedelay siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ahaa xubnihii sida weyn u diidanaa Maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe, waxayse wararku sheeyaan in loo sameeyay balanqaad jago muhiim ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON