Monday, July 14, 2025

Maxamud Sayid Aden oo Doolow u tegay xalinta muran uu dhaliyay Axmed Madoobe

Madaxweyne Kuxigeenka maamulka Jubba Maxamuud Sayid Aadan iyo wafi la socda ayaa maanta gaaray Degmada Doolow

ee Gobolka Gedo, isagoo socdaalkiisu la xiriiro muran ka taagan maamulada degmooyinka Gobolka Gedo.

Maxamud Sayid Adan oo qeyb ka ahaa  murankii ka taagnaa Gobolka Gedo ee looga horjeeday Axmed Madoobe ayaa hadda gacan ka geysanaya in xaalada Gobolka Gedo la xaliyo.

Xaalada Gobolka Gedo ayaa ka sii dartay markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu Guddoomiye cusub u magacaabay Gobolka Gedo kaasoo lagu magacaabo  Maxamed Muxumad Aadan.

Guddoomiyihii Hore ee Gobolka Gedo Axmed Buule Maxamed oo  isaga laf ahaantiisa Axmed Madoobe xilka u magacaabay si muran ku jiro ayaa iska diiday inuu xilka wareejiyo, waxayna Gedo u muuqataa inay weli dhibaato ku tahay Axmed Madoobe.

Wafdiga Maxamud Sayid Aadan waxaa ka mida wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Jubba iyo xubno ka socda IGAD.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON