Friday, July 4, 2025

Maxay Alshabaab ku diideen Tallaalka Covid-19..? (Digniin lala yaabay oo ay kasoo saartay AstraZeneca)

Alshabaab ayaa bayaan kasoo saartay Tallaalka cudurka Covid-19 ee Soomaaliya la keenay, iyadoo adka uga digtay isticmaalka Tallaalkan oo Soomaaliya loogu deeqay.

Bayaanka Alshabaab oo ahaa mid siyaasadeed ayaan loo marin qaab caafimaad iyo khubaro, balse waxaa go’aankan soo saaray Maktabka Siyaasadda iyo Wilaayaatka ee Al-Shabaab oo uga digay dhamaan Muslimiinta Soomaaliya ku nool inay qaataan tallaalka lagu magacaabo AstraZeneca.

Alshabaab ayaa arrintan sabab uga dhigay in dhibaatada ka imaneysa Tallaalka ay ka weyn
tahay dheefta lagu sheegay in laga helayo. “Halkii la filayey inuu ka qayb qaato kobcinta difaacyada jirka iyo ka hortagga faafitaanka cudurka safmarka ah ee Coronavirus, wuxuu tallaalka AstraZeneca – oo ay hay’adda UNICEF ku deeqday xukuumadda Soomaaliya – yahay mid dhibaato horleh u soo jiida qofka qaata, wuxuuna sabab u noqdaa xanuuno kale sida ay caddeeyeen khubarada caafimaadka, laguna qeexay cilmi baarisyo kala duwan oo la sameeyey” ayaa lagu yiri bayaanka Alshabaab.

Bayaanka Alshabaab ee looga digay isticmaalka tallaalka Covid-19 ee AstraZeneca ayaa lagu sheegay ina dalal Yurub ah u hakiyeen tayo xumidiisa, laakiin laguma xusin in dalalkaasi ay ogolaadeen markii la caddeeyay inuu yahay Tallaal wanaagsan oo aa wax cilad ah lagu arkin.

AlShabaab waxay ugu baaqday Muslimiinta ku nool Soomaaliya inaysan ogolaan tallaalka
coronavirus ee lagu magacaabo AstraZeneca. Arrintan ayaa loo arkaa mid siyaasadeed oo aan sal ku lahayn arrimo caafimaad.


NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON