MAXAY AMISOM UGU FASHILANTAY FULINTA CASHARKII LEEGO.?
Weerarkii shalay 1-da Bisha September 2015 ay kooxda Alshabaab ku qaadeen saldhiga ciidamada AMISOM ee Janaale, gobolka Sh/hoose wuxuu dhinac waliba kala mid ahaa weerarkii xeradii AMISOM ee degaanka Leego isla gobolka Sh/hoose ay xarakadu ku qaaday 26 June oo dhaliyay qasaarihii ugu badnaa ee askar iyo qalab oo AMISOM soo gaara intii ay Soomaaliya ka howlgaleysay.
Ma muuqato wax cashar ah oo AMISOM ka baratay weerarkii Leego, lamana arag isbedel weyn oo ku dhacay jawaabta ay bixiso marka weeraro noocaas oo kale ah oo waaweyn ay la kulmaan xerooyinka ciidamadooda ku leeyihiin Koonfurta Soomaaliya, tani waxay mar kale muujineysaa in AMISOM ciidan ahaan ay tahay mid aan fadhin oo ay adag tahay inay la macaamilaam halista uga imaaneysa Alshbaab.
Kadib weerarkii Leego waxay AMISOM xoojisay dalabkeeda ah inay hesho diyaarado dagaal oo aan weli loo sharciyeyn, balse ciidamada Kenya iyo Itoobiya oo Soomaaliya ku jooga magaca AMISOm ay adeegsadaan. Arrintan waxay mar kale caddeyn u tahay in AMISOM-ta joogta Soomaaliya ay magacyo iyo ciidamo badan tahay oo aanay is hoos tegin.
Haddii Leego lagu eegtay ciidamada Burundi oo gurmadku halkaas tagay in ka badan 12 saacadood, shalay wixii Janaale ka dhacay sooma kordhin wax aan ahayn in ciidamadii Uganda ee u dhowaa degaankaasi ay gurmadeen oo halkaasi gaareen 10 saacadood kadib weerarka. Diyaaradaha la adeegsaday ee Drone-ka ayaan ahayn kuwo caadi ah oo howlgal baaxadaas leh wax ka qaban kara.
Qasaaraha Uganda ee weerarkii Janaale kasoo gaaray ma yara inkastoo AMISOM aanay caado u lahayn in qasaaraheeda ay sheegto haddana waxaa la filayaa in qasaaruhu ka bato 30 askari oo geeri ah iyo askar nool oo maqan, marka laga yimaado dhaawaca jira. Marka la isku soo duubo AMISOM siiba kuwa Uganda iyo Burundi uma muuqdaan kuwo wax ka bartay casharadii hore ay ugu dhigtay Alshabaab, waxayna marar kale sahay u noqon doonaan weerarada noocaas oo kale ah ee Alshabaab ku soo kediso.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]