Wararka laga helayo degmada Dooloow ee Gobbolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dalka Itoobiya ee halkaasi fadhigoodu yahay ay xabsiga dhigeen Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba Xassan Daahir Yarow (Xasan Dheere) oo kamid ahaa wafdigii Axmed Madoobe ee ka qeyb galay kulamadii ka dhacay degmada Dooloow.

Ilo ku sugan Dooloow ayaa sheegay in xariga Xassan Dheere yimid kadib markii uu khilaaf dhex maray Axmed Madoobe iyo isaga, kaasoo ku saabsanaa xil ka qaadis la shaaciyay in lagu sameeyay guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil.
Maaamulka Jubba ee wasiirkani ka tirsanaa iyo dhinacyadii Gobolka Gedo ayaan weli wax war ah ka soo saarin xariga wasiirkani, iyadoo wararku sheegayaan inay socdaan dalaalo lagu doonayo in lagu sii daayo.
Tallaabadan ayaa muujineysa sida Itoobiya ay ugu dhex jirto xaaladda Soomaaliya iyo kaalinta dhinac taageerka ah ee ay ku howlan tahay xilli doorkii dowladda Federaalka Soomaaliya uu gebi ahaanba meesha ka maqan yahay.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]