Wararka laga helayo gobalka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM oo wada socda ay ka baxeen degaanno dhowr ah oo ay ku sugnaayeen gobolka Gedo, taasoo welwel ku abuurtay dadka degaankaasi.
Meelaha ay ka baxeen ciidamada Waxaa ka mida tuulooyinka u dhaxeeya degmooyinka Garbahaarey iyo Beled-xaawo oo fariisimo ku lahaayeen ciidamdaasi. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa ka baxay Tuulo Barwaaqo oo saldhig weyn ku lahaayeen, kadibna waxay ciidamadii kale isaga baxeen dhowr jid-gooyo iyo saldhigyo waxayna ciidamada Itoobiya ku laabteen Garbahaarey.
Lama oga sababta laakiin ka bixitaanka degaanada sida adag loogala wareego Alshabaab waxay noqotay mid ka mida xeeladaha ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya si cabsi joogto ah loogu abuuro dadka degaanadaasi oo ay mar waliba ugu baahdaan ciidanka Itoobiya.
Waxaa la ogyahay in goobaha ay Itoobiyaanku ka baxeen ee gobolka Gedo ay dhowaan uun qabsadeen iyadoo dagaalkii lagula wareegay degaanadaasi ay ku dhinteen mas’uuliyiin sare oo ay ka mid ahaayeen gudoomiye ku xigeenkii Baladxaawo iyo taliyihii Booliiska degmada Luuq.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]