Thursday, June 26, 2025

Maxay Itoobiya u aqoonsan tahay Somaliland?. [Akhriso Warka kasoo baxay xafiiska Abiy Ahmed]

Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa Somaliland ku tilmaamay ‘MAAMUL’ kadib kulan magaalada Addis Ababa ku dhex maray madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya.

Qoraal uu baahiyay xafiiska Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa lagu sheegay inuu maanta la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland, taasoo ahayd siyaasad soo taagneyd muddo dheer, inkastoo hab-dhaqanka Itoobiya ee maamullada Soomaalida uu ahaa mid shaki leh.

Waa markii ugu horeysay ee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu la kulmo uguna yeero dalkiisa madaxda maamullada ka jira Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn inuu yahay isbedel ku dhacay siyaasaddii hore iyo in ku koobnaan doonto Somaliland.

Siyaasiyiin badan ayaa aaminsan in martiqaadka Abiy Ahmed u fidiyey Muuse Biixi ay ku xigi doonaan marti qaadyo kale oo ay Addis ababa ku tegayaan madaxda maamul Goboleedyada Soomaaliya, taasoo meesha ka saareysa doodii madaxweyne Farmaajo ee ahayd inuu soo xiray Kanaalkii dibadda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON