Friday, July 18, 2025

Maxay tahay sirta ku qarsoon xiriiirka ka dhaxeeya C/weli Gaas iyo Mahad Cabdalla Cawad..? (AKHRI XOG XASAASI AH)

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo socdaal isaga u gaar oon cidna ku wehlin ku jooga magaalada Gaalkacyo tan iyo  toddobaadkii hore ayaa kulamo kale la yeeshay  madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas).

Mahad-cawad

Kulanka ayaa la sheegay inuu goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Golaha wakiilada Puntland Saciid Xasan Shire ayaan rasmi ahaan loo shaacin waxa uu ku saabsanaa, halka warbaahinta qaarkeed ay baahiyeenin looga hadlay arrimo la xariira dhaliilo Puntland ay ka tabaneyso dowladda federaalka sida in wax ka bedelka lagu sameeyay dastuurka Soomaaliya.

C/weli Gaas ayaa shalay uun dib ugu laabtay magaalada Gaalkacy kadib markii uu muddo 4 maamood ah ku sugnaa Kismaayo halkaasoo uu diiday inuu ka qeyb galo shir looga hadli lahaa hiigsiga cusub 2016. Haddaba waxay dad badan is weydiinayaan muxuu C/weli Gaas kala hadlayaa Mahad Cawad isagoo diiday  inuu dhammaan madaxdii dowlada iyo kuwii maamu goboleedyada ka diiday…?

  1. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baaarlmaanka Mahad Cawad wuxu heshiis qarsoodi ah kula jiraa  C/weili Gaas oo ku saabsan sidii Puntland saameyn ugu yeelan lahayd dowladda Federaalka.
  2. Mahad Cawad wuxuu ahaa geed fadhiga mooshinkii madaxweynaha laga keenay oo Puntland ay gadaal ka riixeysay, kharashna ku bixisay (Akhri Qormadan)
  3. Madaxweynaha Puntland waxaa ka go’an in Xasan Sheekh aanu helin fursad kale oo dib ugu soo laabto xukunka, taasoo uga baahan inuu galaangal ku yeesho madaxda Baarlamaanka Federaalka.
  4. Mahad Cabdalla Cawad waa mas’uulka kaliya ee Putland u dhega furan xilligan.

Arrimahan oo dhan waxay keeneen in Puntland ay colaad siyaasadeed u qaado oo kaliya madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari, madaxweynaha Galmudug C/kariin  Guuleed.

Qorshaha cusub ee Puntalnd kala tashaneyso guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Federaalka ayaan la ogeyn xilligan oo mooshinkii madaxweynaha u muuqdo mid khadka ka sii baxaya, waxaase laga arki doonaa dhaqdhaqaaqyadiisa danbe.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

KOOBIGA IYO XATOOYADA MA AHA SAXAAFAD, FADLAN ISHA WAR XIGO OO JOOJI BURCADNIMADA SAXAAFADEED

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON