Wednesday, July 2, 2025

Maxkamad ku taalla Burtinle oo xukun nooc cusub ah ku riday nin kufsaday gabar 13 jir ah

Maxkamadda degaanka Burtinle ee Gobolka Nugaal ayaa xukun xabsi ah ku riday nin lagu eedeeyay inuu kufsaday gabar yar oo 13 sano jir ahayd.

Ninkan eedeysanaha ahaa oo denbiga lagu helay ayaa lagu magacaabaa Bashiir C/Qaadir, waxayna Maxkamadda Burtinle  ku xukuntay 5 Sano oo xabsi ah kaddib markii ay Maxkamadda ku heshay in uu kufsaday Gabadha yar ee  13 jirka ahayd.

Waxaa kaloo Maxkamaddu ku xukuntay  ninkaasi lacag gaareysa 3 Milyan oo Shilin Soomaali ah, taasoo lagu sheegay ganaax iyo 44 Neef Ari ah oo ay Maxkamadda ku sheegtay Meherka Gabadha uu kufsaday.

Maxkamadda ayaa sii deysay eedeysanayaal kale ee falkan loo heystay oo lagu waayay denbigii lagu soo eedeeyay, waxayna beenisay warar laga baahiyay kiiska oo lagu sheegay inuu ahaa aargoosi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON