Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda adduunka ayaa waqti u qabatay dowladda Kenya ay uga soo jawaabto Dacwada Badda ee kala dhaxeysa Soomaliya.
Arrintan ayaa ka danbeysan kadib markii Maxkamadda ay go’aamisay in dacwadda ay geli karto, wxaana iminka Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ICJ ee Qarammada Midoobay ay Kenya u qabatay ugu dambeyn Isniinta 18-ka December ee 2017 in ay Maxkamadda u gudbiso jawaabteeda dacwadda ay Soomaaliya ka gudbisay.
Dowladda Kenya oo hore ugu fashilantay dadaalkeedii ahaa in Maxkamadda aysan geli karin dacwadda ayaa hadda heysta muddo 10 bilood ah oo ay jawaab uga bixiso dacwad ay Soomaaliya u qortay Maxkamadda oo la gaarsiiyay sannadkii 2014.
Dacwaddu Badda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa salka ku heysa xuduudka Badda ee labada dal, waxaana Kenya ay dooneysaa in la qaloociyo soohdintaasi si degaan Badeed uga hesho badweynta India.
Dowladda cusub ee Soomaaliya iyo dowladda ka dhalan doonta doorashada Kenya ayaan la ogeyn go’aanada ay ka qaadan doonaan dacwadda ka taalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.
Goobjooge.com