Wednesday, July 2, 2025

Maxkamadda Ciidamada oo xirtay Abaanduule ka tirsan ciidamada Milateriga oo ku eedeeysan…

Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa xabsiga dhigtay abaanduule ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo lagu soo eedeeyay inuu ku lug yeeshay dagaal Beeleed.

Gaanshaale Salaad Tifoow oo ahaa Abaanduulaha Guutadda 7-aad ee ciidamada Xoogga Dalka ayaa lagu xiray amar kasoo baxay Maxkamadda ciidamada markii lagu soo eedeeyay dembiyo dagaal oo ka dhacay dagmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/Hoose.

Sarkaalkan ayaa ka mid ahaa xubno ay dhowaan Maxkamaddu Ciidamada amartay inay hortagaan Hay’adaha Baarista, kadib lugtii ay ku yeesheen dagaal beeleedkii ka dhacay degmada Wanlaweyn, waxaana ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanadda Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed, iyo Guddoomiyihii degmada Wanlaweyn.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON