Sunday, July 13, 2025

Maxkamadda ciidamada oo xukun xabsi ah ku riday xubno ka tirsan Daacishta Gobolka Bay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa xukunno xabsi ah ku diray xubno ka tirsan Daacishta Soomaaliya oo dhowaan lagu qabtay Gobolka Bay.

Maxkamadda Ciidamada qeybta 60aad, ayaa xukuntay maleeshiyaadkan Daacis ka tirsan, waxayna kala yihiin:

Daacish1

  1. C/Casiis Xasan Mursal oo lagu eedeeyey in kooxda Daacish ay usoo wakiilatay magaalada Baydhabo.
  2. Mahad Nuur Siidow oo isna lagu sheegay inuu yahay ninka kooxda daacish ay wakiilka uga dhigatay in Baydhabo uu ka fuliyo qaraxyada.
  3. Maxamed Sheekh Maxamed
  4. iyo Cali Maxamed Gaabow oo lagu eedeeyey in labaduba ay u xilsaarnaayeen fulinta dilalka qorsheysan ee kooxda Daacish ay ku talogashay iney ka sameyso magaalada Baydhabo.

Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed gaar ahaan qeybta 60aad G/le Aadan Abuukar Maxamed ayaa ku dhawaaqay xukun ah min 10 sano oo xabsi ciidan ah.

Maxkamadda ayaa fasaxday ilaa iyo sadex ruux oo kale oo lagu eedeeyey iney xiriir la lahaayeen maleeshiyada katirsan kooxda daacish, balse lagu waayay wax dembi ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON