Maxkamada sare ee Ciidamada Qalabka sida ayaa Maanta xukun dil ah ku riday Saddex askari oo ka kala tirsanaa Ciidamada Milateriga, Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed iyo Nabadsugida Magaalada Baydhabo, kadib markii lagu helay Dil bareer ah.
Labada eedeysan ee C/waaxid Cali Sheekh Aadan oo ka tirsanaa Ciidamada Xooga dalka iyo Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa lagu helay inay duleedka Magaalada Baydhabo ku dileen Marxuum la oran jiray Muxudiin Maxamed C/raxmaan, iyadoo ay maxkamaddu ku xukuntay Dil toogasho ah.
Dhinaca kale eedeysane C/raxmaan Cali Xuseen oo isna ka tirsanaa Nabadsugida magaalada Baydhabo ayey maxkamadu ku xukuntay Dil, Kadib markii ay Maxkamaddu ku heshay inuu dilay Marxuum lagu Magacaabi jiray Maxamed Cali Maxamed.
Eedeysanayaana kala ah C/waaxid Cali Sh Aadan oo ka tirsanaa Ciidanka Xooga iyo Xuseen Cali Macalin Iimaan oo ka tirsanaa Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa hore Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ku riday xukun dil ah 28-kii Bishii July 2018, balse waxay ka qaateen racfaa, kaasoo ay maanta diiday Maxkamada sare ee Ciidamada, dibna ugu xukuntay Dilkii hore loogu riday.