Maxkamadda Sare ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun kale ku riday eedeysanayaashii maleegay qaraxii lagu dilay weriya Hindiya Xaaji Maxamed, kadib markii ay rafcaan ak qaateen xukunkii maxkadda ciidamada qalabka sida ee darajada koowaad.
25-kii Bishii Febraayo ayaa maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka ay ku xukuntay eedeeysaneyaashii loo heystay dilkii Wariye Hindiya kadibna rafcaankii ay qaateen ayaa xukunka lagu diray uu ahaa:
C/risaaq Maxamed Barow oo ahaa shaqsigii Gaariga Marxuumad Hidiyo ku dhajiyay Qaraxii lagu dilay= dil toogasho ah
Iyo xabsiup u dhaxeeya 10-20 sano oo xabsi ciidan ah oo lagu ragii kale.
Maxkamadda sare ee ayaa xukunka ay maanta ku riday eedeysanayaashii wuxuu u dhacay sidan:
- C/risaaq Maxamed Barow oo 28 jir ah islamarkaana ahaa Shaqsigii Gaariga Marxuumad Hindiyo ku xiray Qaraxa iyo Xasan Nuur Cali Faarax oo 37 islamarkaana gacan ka geystay Dilka Marxuumadda waxay Maxkamadda sare ku xukuntay labada eedeysane dil toogasho ah.
- Macalin Maxamed Abuukar iyo Macalin Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere: waxay maxkamadda sare ku xukuntay Xabsi daa’im.
- Dhanka kale Eedeeysane Cali Xasan Aadan oo kamid ahaa Eedeysaneyaashii Maxkamadda Darajada Koowaad ay Xukuntay Racfaankana ka qaatay Xukunkii hore ayaa lagu Xukumay 15 Sano oo Xabsi Ciidan ah.
- Muxuyadiin Cismaan Maxamed Cawaale ay Maxkamadda Sare ku Xukuntay 10 sano oo Xabis Ciisdan ah.
DHAGEYSO XUKUNKA
Goobjooge.com