Wednesday, June 25, 2025

Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kale oo culus ku riday ninkii dilay Wasiir Siraaje [Dhageyso]

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun culus oo dil ah ku riday ninkii lagu eedeeyay dilka Wasiirkii howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya Cabaas C/laahi Sheekh Siraaje.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Ciidamada Liibaan Cali Yarow ayaa sheegay markii ay maxkamadda aragtay caddeymaha iyo qiraalka maxkamadda la hor keenay, ayna dhageysatay qiraalka eedeysanaha maxkamadda horteeda uu ka jeediyay in Axmed C/laahi Cabdi lagu xukumay dil toogasho ah.

Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah oo hore ay maxkamadda ciidamada ugu xukuntay dil toogasho ah ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee hore, kadib markii uu ku qanci waayay xukunkaasi.

Maxkamadda Sare ayaa maanta mar kale isla xukunkii ku riday eedeysanaha, iyadoo raacday xukunkii hore ee maxkamadda darajada Koowaad, taasoo meesha ka saareysa rafcaankii uu qaatay, lana sugayo in la toogto.

Allaha u maxarisitee Wasiir Cabaas Siraaje ayaa la dilay 3-dii Bishii May ee sanadkaan, xilli uu marayay agagaarka maddaxtooyada Soomaaliya.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON