Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa xukun kasoo saartay dacwad ka taagneyd kursgii Gaarisa ee uu ku soo baxay Aadan Barre Ducaale, balse uu dacwad ku soo oogay Faarax Macallin.
Maxkamadda ayaa maanta ku dhawaaqday inuu sharci ahaan kursiga Gaarisa ee uu ku guuleystay Aadan Barre Ducaale iyadoo eedihii Faarax Macallin ee ku saabsanaa in hanti Qaran loo adeegsaday ololaha doorashada loo waayey caddeyn. Maxkamadda ayaa Faarax Macallin ku amartay in uu bixiyo 6 Milyan Shilinka Kenya ah oo ah kharashka ku baxay dacwadda.
Aadan Ducaale oo taageerayaashiisa ay kor u sidaan ayaa kasoo baxay maxkamadda wuxuuna sheegay inuu ku faraxsan go’aanka Maxkamadda, isla markaana wuxuu u mahad celiyey dadka Gaarisa oo doortay qofkii ay rabee.
Faarax Macalin oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu xurmeynayo go’anka maxkamadda balse uu khalad yahay, wuxuuna intaas ku daray inuu rafcaan ka qaadan doono, siina wadi doono dacwadda ilaa uu ka caddeeyo xaqiiqada kiiskan.