Monday, July 14, 2025

Maxkamadda Sare ee Kenya oo joojisay Go’aankii ay dowladda Kenya ku xirtay Telefishino caan ah

Maxkamadada sare ee dalka Kenya ayaa hakisay go’aankii ay dowladda ku xirtay oo ay hawada uga saartay saddex ka mid ah telefishinada dalkaasi.

Maxkamadda ayaa sheegtay inay joojisay xiritaanka telefishinadan muddo 14 maalmood ah si kiiska maxkamada yaala loo dhagaysto islamarkana go’aan laga gaaro. Telefishanadani ayay dowladda sheegtay in ay qorshaynayeen in ay tabiyaan xafladdii uu madaxwaynanimada isugu dhaariyay Raila Odinga maanlintii shalay ahayd.

Wasiirka arrimahha gudaha ee Kenya Fred Matiang’i ayaa shalay wariyayaasha u sheegay in xarumahani warbaahinta ay sii xirnaan doonaan ilaa baritaanada laga soo gabagabaynayo.

Telefishinada kala ah NTV, KTN iyo Citizen ayaa hawada ka baxay Talaadadii saacadu markay ahayd 9 barqanimo. Hasa yeeshee saxafiyiinta Kenyanka ayaa qaadacay tillaabadda lagu xirey telefishinada.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda Kenya in ay jabinayso xaqa ay dadka u leeyihiin in ay wax ka ogaadaan dhacdooyiinka muhimka ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON