Qoraal shalay ksoo baxay xafiiska Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Avv. Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf ayaa lagu amray in si degdeg ah lagu sii daayo ninka lagu magacaabo Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo la sheegay in uu ku xiran Baarista Xisbiga, isla markaana hay’adda nabadsugidda ay sheegtay in loo heyso adeegsiga magacyada mas’uuliyiinta dowladda ee baraha bulshada ku xiriirto.
Warqad ay ku saxiixnaayeen Guddoomiye Ilko-xanaf iyo laba Garsoore oo kale ayaa lagu sheegay in xariga Cali Yare uu yahay mid aan sharci ahayn maadaama dalka aysan dalka ka jirin jirin xaalad degdeg ah oo uu Baarlamaanku ansixiyay. Wuxuuna qoraalkan ka danbeeyay codsi ay maxkamadda u qoreen qareenada u doodaya Cali yare oo kala ah Tahliil Xaaji Axmed iyo C/kariin Maxamed Axmed. Waxayna warqadu ku socotay xeer ilaalinta iyo nabad sugidda Gobolka Banaadir.
Waa markii ugu horeysay ee maxkamadda sare soo farageliso shaqsi u xiran dowladda iyadoo la ogyahay in boqolaal Soomaali ah sida Cali Yare oo kale ku jiraan Xabsiyada dowladda siiba kuwa nabad sugidda una baahan cid u dooda oo dacwad xalaal ah ku soo oogta ama xoriyadooda dib ugu celisa.
Maxkamadda sare waxaa looga fadhiyaa inay tagto Xabsiga baarista xisbiga oo ay soo eegto xaaladda dadka halkaasi ku xiran iyo wax loo heysto intii ay ka jawaabi lahayd oo qura kiis qura oo ka mida boqolaal kiisa oo caadi ka noqday Muqdisho.
Si kastaba aha ahaate waa tallaabo soo dhoweyn mudan qoraalka kasoo baxay Maxkamadda sare oo caddeynaya sida dadka la isaga xirto Muqdisho inaysan sharci ahayn, waxaase xusid mudan in mas’uuliyadda saaran maxkamadda ay ka weyn tahay u doodista shaqsi kaliya.
Waxaa muuqata in Maxkamadda sare ee dalka ee uu hogaamiyo Ceydiid C/llaahi ay kaliya wax ka tiraahdo kiisaska dadka magaca leh iyo kuwa awooda inay qareeno waaweyn qabsadaan balse ay gabtay dadka faraha badan ee shacabka ah oo tacadiyadu ku socdaan. Waxaase la kala ogaan doonaa in dalku sharci ka jiro oo amarka maxkamadda sare soconayo iyo in kale.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]