Xoghayaha guud ee Ururka Saxafiyiinta Qaranka Soomaaliyeed (NUSOJ) Maxamed Ibraahim Macalimuu
ayaa sheegay soo dhoweeyay go’aankii Maxkamada Sare ee dalka ku aqoonsatay hogaanka cusub ee NUSOJ.
Shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayuu xoghayaha NUSOJ ku tilmaamay go’aanka Maxkamadda Sare ee dalka inuu yahay mid caddeyn u ah in doorashadii Magaalada muqdisho ee lagu doortay mas’uuliyiinta ururka saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ ay ahayd mid xaq iyo xalaal ah.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAXKAMADDA SARE
Goobjooge.com