Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Soomaaliya Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa mar kale soo farageliyay khilaafka ka dhex taagan garabyada ururka Saxafiyiinta ee NUSOJ , waxaana go’aan kasoo baxay xafiiskiisa lagu sheegay maanta in Guddiga madaxa bannaan ee Saxafiyiinta ay qabtaan doorashada ururka saxafiyiinta Qaranka ee NUSOJ, maadaama uu waqtiga ka dhamaaday madaxdii hore ee ururkaasi.
Iyadoo la tix raacayo go’aankii hore maxkamadda uga soo baxay kaas oo sumaddiisu aheyd No.MS/09/2016 soona baxay 15 March 2016 kaas oo maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir ku amray in qabsoomidda doorashada ay la socoto, si doorashada ay u noqoto mid xor iyo xalaal ah isla markaana dhammaan saxafiyiinta si simman uga qeyb galaan doorashada Hogaanka Ururka.
Go’aanka maxkamadda sare waxaa uu maxkamadda racfaanka ee gobolka Banaadir faraysaa go’aanadan soo socoda:
1. Inay hubiso in doorashada NUSOJ ay u dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan.
2. In ay xaqiijiso in qaban qaabiyaasha doorashada in ay ka madax banana yihiin tartamiyaasha hoggaanka NUSOJ.
3. In guddoomiyaha maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir uu qaato doorka ah, in ay doorashada u qabsoonto si xor iyo xalaal ah.
4. Iyo in musharaxiinta u taagan qabashada xilka NUSOJ ay ahaadaan kuwo xubin ka ah ururka.
Ugu dambeyntii maxkamadda sare ee dalka ayaa muujisay in dhammaan wariyeyaasha Soomaaliyeed ay yihiin kuwo door muuqda ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed, sidaa darteedna looga baahan yahay in ay ilaaliyaan nidaamka loo qabanayo doorashada ururka isla markaana ka faa’ideystaan fursadda ay hadda heystaan.
Sidoo kale madaxdii hore ee NUSOJ waxaa ay kamid noqon karaan musharaxiinta tartamaya, laakiin waxaa looga digayaa inay san sammeyn karin Gole been abuur ah sidii ay horey u sameyn jireen, haddana waxaa la dooranayaa hoggaan sax ah oo xalaal ah, kaas oo matali doona dhammaan saxafiyiinta Soomaaliyeed isla markaana ay la xisaabtami karaan.
Goobjooge.com