Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa u fadhida dacwad lagu soo oogay 22 qof oo u dhashay dalka Kenyan ah oo lagu eedeeyay in ay dalka si sharci daro ah ku soo galeen, isla markaana uga shaqeysanayeen, waxaana maxakameynta ay hadda ka socotaa saldhig Ciidamada Booliska Soomaaliya ay ku leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.
Dacwada oo si kumeelgaar ahaan ah loogu qaado saldhigga Garoonka diyaaradaha dhinaca ammaanka dartiis ayaa waxaa goobjoog ka yihiin mas’uuliyiin ka socda Safaaradda Kenya ay ku leedahay Soomaaliya oo u jooga inay la socdaan xaaladda dadkooda.
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa kiiskan dib ugu dhigtay maanta oo Khamiis ah kadib markii uu sidaasi dalbaday qareenka u doodaya dadka Kenyaatiga ah oo dalka ay keentay shirkad ay u shaqeeyaan.
Kiiskan oo noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ayaan la fileyn in go’aan adag lagu qaado.
Goobjooge.com