Monday, July 14, 2025

Maxkamadeynta dadkii ku eedeysnaa Qarxintii Diyaaradda Daallo oo dib loo bilaabay

Dhageysiga fadhigii labaad ee dacwada loo heysto  eedeysanayaasha qaraxii Diyaaradda Daalo ee horaantii bishii Febraury 2016 ayaa mar kale maanta ay u fariisatay Maxkamadda Darajada koowaaad ee Ciidanka qalabka sida.

Waxaa maxkamadda ay Xeer ilaalinta dacwadda loo heysto eedeysanayaasha oo tiradooda ay gaareyso 14-qof oo midkood ay tahay haweeney,  Isla markaana lagu soo oogay inay fududeeyeen Qarxintii Diyaaradda Daallo.

Eedeysanayaasha ayaa mid mid su’aalo loo weydiiyay, waxaana maxkamadda ka hadlay Qareenada u doodaya eedeysanayaasha. Gudoomiyaha Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ka codsaday xafiiska Xeer ilaalinta inay keenaan caddeymo dheeraad ah oo la xiriira dembiga loo heysto eedeysanayaashan.

Dacwaddan ayaa ku socota si gaabis ah, iyadoo maxkamaddu ay mar waliba raadineyso caddeymo dheeraad ah, waxayna inta badan dadka la hayo u badan yihiin dad shaqaale ka ahaa garoonka oo aan macluumaad badan ka heysan kiiska ay ku eedeysan yihiin.

DAAWO SAWIRRO

Daallo15

Daallo13

Daallo09

Daallo07

Daallo08

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON