Askartii Uganda ee lagu dilay weerarkii Golweyn ee Gobolka Sh/Hoose ayaa laga dejiyay garoonka Entebbe ee duleedka magaalada Kampala.
Askartan oo tiradooda lagu sheegay 12 ayaa meydadkooda laga dejiyay diyaarad ka qaaday magaalada Muqdisho iyadoo loo sameeyay tacsi qaran, waxaana garoonka ku sugnaa ehelada askarta oo aad u murugeysan.
Dhinaca kale xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Uganda ayaa is weydiiyay sababta ay askartooda uga dhimanayaan meel aan wax xal ah kasoo socon oo ah Soomaaliya, waxayna ku baaqeen in ciidamadooda laga soo celiyo dalkaasi.