Meydadkii dadkii lagu dilay weerarkii degaanka Bariire ee Gobolka Sh/hoose ayaa weli la aasin, iygoo ku jira qaboojiyeyaal.
Arrintan oo ay ku lug yeesheen xildhibaanno iyo siyaasiyiin culeys ku saaraya dowladda Soomaaliya ayaa ehelada dadka ku tirtirsiiyay inaan la aasin meydadka inta meel laga saarayo magdow laga doonayo dowladda Soomaaliya.
Ciidamada Mareykanka oo markii hore lagu eedeeyay inay ka dambeeyene falkan ayaanay hadda jirin cid u heysata falkan, wuxuuna kiiskan ku soo ururay mid lagu doonayo magdhow lacageed.
Guddi xaqiiqo raadin ah oo ay dowladdu u xilsaartay arrinta Bariire ayaa Isniintii bilaabay wadahadalo ay la yeelanayaan oday dhaqameedyada ka soo jeeda dadkii lagu diley Bariire iyaga oo sidoo kale booqday deegaanka dadka lagu dilay.
Guddiga oo uu madax u yaay Wasiirka Amniga ayaa lagu wadaa inay natiijada baaritaanka u gudbiyaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisal Wasaaraha Xasan Cali Kheyre.
Goobjooge