Tuesday, June 24, 2025

Meydka Marxuum Dhegabadan oo laga dejiyay Dhuusamareeb iyo mas’uuliyiin la socota

naxash

Waxaa Galabta Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Dhuusamareeb laga dejiyay Meydka Allaha u naxariistee Gen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii lagu dilay Weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen Shalay Hotelka Saxafi Ee Muqdisho, kadib markii madaxda dowlada Soomaaliya ay salaadi janaasada ku tukadeen magaalada Muqdisho.

Diyaaradda siday Meydka jeneraalka ayaa geysay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana la soxday  Wasiirka Difaaca Xukumadda Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo ay wehliyaan qaar ka mida ehalada marxuumka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunna ayaa sheegay in magaalada ay kula tukan doonaan Salaadda Janaasada Marxuunka islamarkaana lagu Aasi doono sida la qorsheeyay degaanka Xeraale ee isla Gobolka Galgaduud oo uu ka soo jeeday.

Aaska Allah ha u Naxariistee Abaanduulihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya Gen C/kariin Yuusuf Aadan”Dhagabadan”ayaa waxaa ka qeyb galaya Mas’uuliyiin ka tirsan Ahlusunnada Gobolada Dhexe iyo mas;uuliyiinta dowladda federaalka.

Jeneraalka ayaa lagu Xasuustaa inuu kaalin weyn ka qaatay Dagaalkii Al-shabaab looga saaray magaalada Muqdisho isagoo ayaa sarkaal afka iyo adinka kula dagaalama kooxda uu ula baxay JID IYO JAHO DIID.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON