Monday, July 14, 2025

Mid ka mida Ergada Doorashada oo ku geeriyooday Magaalada Jowhar

Wararka laga helayo magaalada  Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ka mid ergooyinka Dooorashada ay geeriyootay.

Haweeney ka mida ahayd ergooyinka dooranaya xildhibaanada Aqalka hoose ayaa wararku sheegayaan inuu si lama filaan ah xanuun ugu soo booday xilli loo xareeyay doorashada  kursi ka mida Aqalka hoose.

Haweeneydan ayaa la sheegay in xanuunka qabtay dartii loola cararay Isbitaalka magaalada Jowhar oo markii la geeiyay ay ku naf baxday.

Doorashada Aqalka hoose ee magaalada Jowhar ayaa hakad ku jirta, kadib shaqaaqadii Jimcihii kadhacday xarunta doorashada, waxaana la ogyahay inuu hore magaalada ugu geeriyooday ergay ka mida kuwii dooran lahaa kursiga beesha Yaxar.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON