Wednesday, June 25, 2025

Midowga Yurub oo lacagta ka jaraya ciidamada Burundi ee jooga Soomaaliya

Diblomaasiyiin reer Yurub ah ayaa sheegay inay Midowga Yurub qorsheynayaan inay dhimaan lacagta faraha badan ee ay siiyaan ciidanka nabad ilaalinta ee dalka Burundi ka jooga Somalia. Talaabadan ayay isku dayayaan in ay culays ku saaraan madaxweynaha Burundi, Pierre Nkurunziza.

Diblomaasiyiintu waxay u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters in lacagtaas aan dib dambe loo soo marsiin doonin dowaldda Burundi. 20% oo ay dowladdu la hari jirtay, oo u dhiganta 13 milyan dollar sanadkii, ayaa la jari doonaa.

Dad ka badan 400 qof ayaa lagu dilay Burundi tan iyo markii madaxweyne Nkurunziza uu go’aanka ku gaaray inuu mar 3-aad xukunka isu-taago.

Askar ka badan shan kun oo reer Burundi ah ayaa ka mid ah ciidanka Midowga Afrika ee ka hawl gala Somalia.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON