Wararka laga helayo dalka Zimbabwe ayaa sheegaya in milateriga dalkaasi ay talada la wareegeen kadiba markii ciidamadu qabsadeen xarunta telefishanka iyo qeybaha muhiimka ah ee caasimadda Harare.
Bayaan ay ciidamada afgembiga dhigay soo saareen ayaa laga akhriyay warbaahinta dalkaasi, waxaana lagu sheegay in tallaabadan ay u qaadeen ciidamada inay qabtaan dembiilayaasha.
Bayaanka ayaa lagu sheegay in tallaabada aysan ahayn afgembi dowladda lagula wareegay, isla markaana madaxweynaha dalkaasi Robert Mugabe uu ammaan yahay isaga iyo qoyskiisuna ay bed qabaan.
Bayaanka waxaa telefishanka ka akhriyay Gen Sibusiso Moyo oo yiri: “Waxaan idiin xaqiijineynaa dalka, madaxweynaha iyo qoyskiisa inay bed qabaan, ammaankoodana la sugay.. Waxaan kaliya beegsaneynaa dembiilayaasha ku wareegsanaa madaxweynaha oo dalkan u keenay dhibaatada bulsho iyo dhaqaale..xaaladda caadi ayaan ku soo celin doonnaa..”
Waqootiga caasimadda Harare ayaa subaxdii hore ee Arbacadada laga maqlay rasaas iyadoo dalkaasi galay xaalad aan la hubin, wararka ayaa sheegaya in mas’uuliyiinta ay ciidamadu qabteen uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Ignatius Chombo.
Robert Mugabe ayaa dalka Zimbabwe soo xukumayay ilaa sanadkii 1987, waxaana aan weli kala caddeyn mustaqbalkiisa siyaasadeed isagoo 93 sano jir ah, isla markaana qorsheynayay inuu talada ku wareejiyo xaaskiisa Grace Mugabe.