Thursday, June 26, 2025

XOG: Warbixin ku saabsan Milkiilaha Radio Goobjoog oo iibsaday Idaacadda Ciyaaraha ee Gool FM Muqdisho

Millkiilaha Idaacadda Goobjoog FM ee magaalada Muqdisho Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa iibsaday Idaacaddii caanka ahayd ee dhinaca Isboortiga ee Gool FM oo xarunteedu ahayd magaalada gfmMuqdisho, kadib wadahadal dhex maray isaga iyo saxafiyiin hore u lahaa idaacaddaasi.

Iibka Idaacadda oo dhacay toddobaadkan bilowgiisa ayuu Abshir Bukhaari ku iibsaday lacag dhan 100,00 Doolar isagoo heshiiska uu  kula wareegay Idaacadda iyo Website-keedii uu noqday  kii ugu horeeyay ee noociisa ah magaalada Muqdisho iyo Soomaaliya.

Iibka Idaacadda Gool FM ayaa loo aaneynayaa kadib markii shirkadda Smart Group ee ay saami wadaag ahayd ay go’aansatay inay iibiso idaacadda. Waxaa kaloo arrintaas wehliya in shaqaalaha Idaacadda ay muddo dheer tirsanayeen cadaalad darro, xuquuq la’aan cabasho dhinaca shaqada ah oo keentay inay qaarkood ka hayaamaan idaacaddaasi kuna biiraan Idaacaddo kale.

Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in iibsiga Idaacadda ee Abshir Bukhaari ka sokow, waxay idaacaddu maqaamka sare ee ay gaartay ku heshay shaqaale  fara badan ay xoogood geliyaan inay gaarsiiyaan heerka ay maanta joogto.

Shaqaala Idaacadda qaarkood ayaa qarin waayay sida ay uga xum yihiin maamulkii hore ee Idaacadd iyo dhaqankoodii ahaa lacag la’aanta waxayna arrintu gaartay inuu mid ka mida mas’uuliyiinta idaacadda soo dhigo bartiisa facebook ereyada soo socda:

Sisiladii cilmigii lacag la,aanta ahaa oo joogsatay (Gool FM)

Milkiilaha cusub ee Goo FM wuxuu hantida uu heysto ka kabsaday saxaafadda isagoo madax ka ahaa xafiiskii Aljazeera ee Muqdisho, kadibna wuxuu xil sare ka qabtay  madaxtooyada Soomaaliya xiligii Sheekh Shariif, wuxuuna kadib maalgelin ugu soo jeestay Warbaahinta isagoo hadda leh: Idaacadda Goobjoog, Idaacadda Maandeeq iyo Machadka saxaafadda oo hadda ay ku biirtay Idaacadii Gool FM oo Muqdisho dhammaantood ku yaala.

Abshir Bukhaari oo galaangal badan ku leh madaxda dowladda Soomaaliya waxaa dhowaan wasiirka arrimaha gudaha uu siiyay qandaraaska ku saabsan  shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Milkiilaha cusub ee idaacadda Gool FM Abshir Bukhari ayaa xalay  casho sharaf u sameeyay weriyeyaasha Gool FM, waxaana isla xaflada joogay maamulka Idaacadda Goobjoog oo sidoo kale uu iyadana milkayadeeda lee yahay Abshir, waxayna shaqaalaha Gool FM ku faraxsan yihiin in maamulkii hore meesha banneeyay.

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON