Orodyahanka heer caalami ee asalkiisu yahay Soomaali ee heysta dhalashada Ingiriiska Mo Farah ayaa qirtay inuu cunay Qaadka oo ah laamo cagaaran oo dalka Ingiriiska laga mamnuucay.
Mo Farah ayaa sida ay qortay Jariirada Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ku sheegay wareysi lala yeeshay in Qaadka uu cunay intii aan laga mamnuucin Ingiriiska xilli uu tegay dalka uu ka soo jeedo ee Soomaalida sanadkii 2003-da.
“Waxaan rabay inaan tijaabiyo. Waa geed dabiici ah. Si gaara ahuu u dhadhamayaa, Markii ay calaliso waa sida adigoo cabay 10 koob oo Kafee ah” ayuu yiri Mo Farah oo intaas ku daray markii Qaadka la cuno in wax badan qofku fekereyo oo qorsheyaal badan dejinayo, laakiin aanay wax qofka u sameysmay ama wax dhacay midna wax badan oo khiyaali ahna la sameeyo inta lagu dhex jiro cunista qaadka laakiin ay yihiin waxba kama jiraan.