Thursday, June 26, 2025

Mo Farah Ma difaacan doonaa Billada Dahabka ah ee orodka 10,000 Mitir

Waxaa maanta lagu tartamayaa orodka 10,000 mitir ciyaaraha Olombikada Adduuna ee magaalada Rio dalka Brazil.

Orodyahanadda tartanka ku jire ee isha lagu hayo waxaa ka mida Maxamed Faarax oo ah nin asalkiisu ka soo jeedo Soomaaliya, balse u orda UK.

Waxaa la is weydiinayaa in Mo Farah uu difaacan doono Biladda uu heysto orodkan oo uu ku guuleystay tartankii olombikada e 2012 ka dhacay magaalada London.

Mo Farah ayaa Olombikadii hore isku darsaday labada biladood ee dahabka ah 10-kun mitir iyo 5-kun Mitir, taasoo ahayd taariikh uu dhigay oo aan hore uga dhicin ciyaaraha, laakiin waxaa loolan weyn kula jira orodyahanada dalalka Itoobiya iyo Kenya oo muddo dheer heystay orodada dhaadheer.

Waxaa kaloo maanta ciyaaryahannada ordaya ka mida gabadha qura ee u safan Soomaaliya Maryan Muuse oo tartankeedii koowaad caawa ordi doonta, iyadoo la wada sugayo natiijada ay keeni karto.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON