Orodyahanka heer Caalami ee Ingiriiska, kana soo jeeda Soomaaliya ayaa fal cunsurinimo ah lagula kacay xilligii uu kasoo laabanayay safarkiisii dalka Brazil oo uu kaga qeyb galay ciyaarihii Olombikada Adduunka.
Waxay ahayd 22-kii bishii Ogost markii ay qisadan ku dhacday, waxayna ku qabsatay halka laga raaco Diyaarad ay leedahay Shirkadda Mareykanka laga leeyahay ee Delta Airlines, markaasoo Maxamed Faarax iyo qoyskiisa ay ka soo laabanayeen ciyaarihii Rio Olympics oo uu mar kale ku guuleystay billadaha dahabja ah ee 5000 iyo 10000 Mitir.
Arrintan waxaa shaacisay xaaska Mo Farah oo lagu magacaabo Tania Farah, iyadoo wareysi gaara siisyay Jariirada Sunday Telegraph, waxayna sheegtay in Mo Farah lagu qasbay inuu safka diyaaradda dhinaca danbe kasoo galo, isagoo markaasi ugu horeeyay dadka tallaabo loo arkay faquuq iyo naceyb jinsi ah oo shaqaale caddaan ah kula kacay Mo Farah, waxaana loogu daray haddallo cannaan iyo naceyb ah.
Mo Farah ayaa markaas heystay tikitka loo yaqaan business class ticket, laakiin lagama siisan waxaa dib loogu celiyay safka meesha ugu danbeysa. Xaaska Mo Farah ayaa sheegtay in falkaasi uu ahaa ihaano iyo meel ka dhac loo geystay ninkeeda, maadaama uu ahaa qofka kaliya ee madow oo rakaabka diyaaradda Delta ka mid ahaa.
Mo Farah ayaa markii dambe ee uu diyaaradda raacay markii uu xaaladda soo farageliyay sarkaal maamulka ka mid ahaa, kadibna wuxuu taageero ka helay dadkii rakaabka ahaa oo aqoonsaday waxayna sacab iyo sawaxan ku taageereen orodyahanka.
Goobjooge.com