Monday, July 14, 2025

Mo Farah oo laga cabsi qabo in loo saariyo dembi sumcada looga dilayo & digniin uu soo saaray

Mo Farah oo u orda dalka Britain ayaa sheegay inuu yahay “Orodyahan ee dembi galin” ka dib markii tababarihiisa lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda la dagaallanka daawada awoodda jirka kordhisa.

Salazar ayaa lagu eedeeyay inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa uu siiyay daawada kordhisa awoodda jirka si ay u guuleystaan. Warbixin qarsoodi ah oo ay dusisay wakaaladda la dagaallanka Doping-ka ee Mareytkanka (USADA) ayaa eedaha soo jeediyay.

“Haddii USADA ama wakaaladaha kale ay hayaan cadeyn ah inaan qalad sameeyay, waa inay daabacaan, ayna tallaabo qaadaan, halkii warbaaahinta lagu gudbin lahaa cambaareyn”, ayuu yiri Mo Farah, oo asalkiisa ka soo jeedo Soomaaliya.

Mo Farah wuxuu ku guuleystay orodka 5,000m iyo 10,000m, labadii ciyaaro ee Olympic-gga ee ugu dambeeyay.

Salazar waxaa baaritaan lagu sameynayay tan iyo 2015-kii
Salazar waxaa baaritaan lagu sameynayay tan iyo 2015-kii

Tabaraha la eedeeyay, Alberto Salazar, baaritaan ayaa ku socday tan iyo markii eedo loogu soo jeediyay barnaamij baaritaan ah oo ka baxay BBC Panorama.

Waxaa la sheegay in daroogo lagu isticmaalo xaruntiisa tababarada ee Mareykanka ku taalla.

Sida lagu qoray wargeyska Sunday Times, eedaha loo jeediyay Salazar waxaa ka mid ah in orodyahanno uu ka mid yahay Mo Farah uu siiyay daawo sir sharci ah dhaqtar uu u qoray.

Daawada ayaa la xusay in ay saameyn leedahay, lamana cadeynin sababta ciyaartoyda loo siiyay, sida wargeyska uu qoray. Salazaar ayaa dhankiisan beeniyay eedaha loo jeediyay.

Salazar wuxuu mar ahaan jiray madaxa tabobarayaasha mashruuca dunida caanka ka ah ee ay maal geliso shirkada qalabka ciyaaraha soo saarta ee Nike ee la yidhaa Nike Oregon Project (NOP).

BBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON