Sunday, July 13, 2025

Mooshin loo diyaarinayo Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo kasocda Magaalada Garowe

Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo mooshin laga diyaarinayo madaxweynaha iyo guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi.

Qaar ka mida Xildhibaanada Maamul Goboleedka Puntland ayaa bilaabay inay Mooshin ka qoraya Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi.

Eedaha loo heysto labada mas’uul ee ugu sareeya Puntland ayaa ah xil gudasho la’aan, waxaana Xildhibaanada ku sii kordhaya diidmaada iyo saluuga ay ka qabaan maamulka MadaxweynahaPuntland C/wali Maxamed Cali.

Waxaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland laga dareemayaa xiisado siyaasadeed oo hareeyay maamulka Gaas, iyadoo ay socoto dabeyl siyaasadeed iyo guux ka horjeeda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON