Tuesday, July 15, 2025

Mooshin loo diyaarinayo Shariif Xasan oo xowli uga socda Muqdisho [Yaa ka dambeeya..?]

Olole lagu diyaarinayo mooshin xil ka qaadista madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa xowli uga socda magaalada Muqdisho, waxaana tirada xildhibaanada wada mooshina ay gaareen 80.

Mooshinkan oo gadaal ka riixayaan siyaasiyiin si weyn uga soo horjeeda Shariif Xasan ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loo wareejiyo magaalada Baydhaba, halkaasoo kulamo uga bilaabanayaan xildhibaanada Koofur Galbeed.

Xildhibaan Cusmaan Maxamed Caato oo ka mida xildhibaan Koofur Galbeed ayaa sheegay in Mooshinka ay la sugayaan in tirada xildhibaanada  ay gaarto 100 markaasoo xilka looga qaadi karo madaxweyne Shariif Xasan.

SIyaasiyiinta ka dambeeya mooshinkan ayaa ah kuwo ay isku kacsan yihiin Shariifka oo xildhibaanimo kasoo waayay doorashadii Baydhaba ka dhacday iyo qaar gacan saar la leh guddoomiyaha Maxamed Sheekh Cisman (Jawaari).

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON