Mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laba toddobaad jirsaday tan iyo intii ay xildhibaano gaaraya 93 u gudbiyeen guddoonka Baarlamaanka 12-kii Ogost 2015. Xaalada mooshinka ayaa weli cakiran iyadoo qoraalka mooshinku weli gacanta ugu jiro guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya oo weli aan ku guuleysan inuu tallaabo kale qaado.

Wararka laga helayo xafiiska guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sheegaya in culeys fara badan saaran yahay guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo shirar kala duwan la galay wakiilada beesha caalamka, labada dhinac ee xildhibaanada iska horjeeda, madaxweynaha iyo sharci yaqaano.
Guddoomiye Jawaari ayaa rajo ka qaba in si hoose loo xaliyo arrinta mooshinka oo beesha caalamka oo dhami ka soo horjeedo, waxaana socda wadahadallo qarsoodi ah oo ku saabsan halka looga gudbnayo is mari waaga taagan.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]